Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:
Sida loo abuuro caado qoraal 📓
Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️
Sida ugu habboon ee loo qoro 📝
Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆.
Soo dhawaaw! 👋🎧
Listen on:
Episodes

Mar 6, 2025
Mar 6, 2025
23 min
Bismilaah
Xalqaddan waxay ku saabsan tahay 5 talo oo sahlan oo kaa caawinaya inaad Ramadaanka uga faa’iidaysato si fudud, nafci badan, oo ajar badan leh. 🕌✨ Waxaan ka hadlaynaa sida aad uga faa'iidaysan karto neefsashada si ay kuu caawiso, niyad sax ah u dejisato dhammaan camalkaaga, isku dheelitirto cibaadada iyo nolol maalmeedka, iyo sida loo xakameeyo waqtiga iyo baraha bulshada si aad u korto ruxiyan. 📿⏳
Dhagaysi wacan!

Feb 27, 2025
Feb 27, 2025
51 min
Bismilaah;
Marti Gaara! 🎙️
Xalqadan cusub ee Ramadaanka, waxaan la fariisannay marti gaar ah: Shamso iyo Fatush! 🌙✨ Waxaan si qoto dheer uga hadalnay sida loogu diyaargaroobo bishan barakaysan, muhiimadda barashada Ilaahay 🕌, iyo sida ducadu uga dhigan tahay furaha barakada iyo dhabta nolosha 🤲. Waa sheeko xiiso leh, oo qoto dheer oo ka buuxaan talooyin qiimo badan – ha moogaanin! 🎧💡

Feb 21, 2025
Feb 21, 2025
19 min
Bismilaah:
Xalqaddan waxa aynu ku lafagureynaa su’aasha muhiimka ah ee ah: Sidee ku ogaan kartaa waxa aad doonayso inaad noloshaada QABATO—hadday tahay shaqo, korriin shaqsiyadeed, ama horumar ruuxi ah? 🛤️✨. Waxaan kuu diyaarinay su’aalo xeel dheer oo kaa caawin doona inaad hesho caddeyn iyo jihayn sax ah, adiga oo si miyir leh u qorsheynaya mustaqbalkaaga.
Dhagaysi wacan 🎧✨

Feb 13, 2025
Feb 13, 2025
21 min
Bismilaah
Mararka qaar awooddeena dhabta ah waxay ku qarsoon tahay wax aan horey u u aaminay inay yihiin daciifnimadeenii! (Weaknesses)🎭✨ Qeybtan, waxaan ku qaadaa-dhigi-doonaa sheekada wiil yar iyo judo-ha waxa kala qabsaday, muhiimadda ay leedahay in la barto hal xirfad, iyo sida aad u aqoonsan karto awoodaada qarsoon. Waa waqtigii aan aragtideena bedeli lahayn! 🚀
Dhagaysi wacan 🎧😊

Feb 6, 2025
Feb 6, 2025
20 min
Bismilaah;
Ku soo dhawoow qaybta lixaad oo ah bilowga taxanaha the mindset shift 'Isbeddelka Maskaxda' 🌟, halkaas oo aan ku sahminayno sida fikirkaaga u beddeli karo noloshaada. Maanta, waxaan falanqeyn doonaa oraahda caanka ah ee Henry Ford: 'Haddii aad aaminsan tahay inaad awooddo ama aadan awoodin, labadaba waad saxantahay.' 🤔 Waxaan sidoo kale wadaagi doonaa sheekooyin dhiirigelin leh oo muujinaya awoodda isbeddelka maskaxda. 💡
Dhagaysi wacan! 🎶

Jan 30, 2025
Jan 30, 2025
27 min
Bismilaah;
Marti Gaara! 🎙️
Xalqadan waxaan marti ku inoogu ah Fatush, martideennii ugu horreysay ee podcast-kan! 🎙️✨ Wada sheekaysigeenu wuxuu ku saabsan yahay Vision Board—sidii aad yoolalkaaga uga dhigi lahayd kuwo muuqda, la taaban karo, oo la gaari karo. 📌🎯
Ma isticmaashaa Vision Board? Mise sanadkan ayaad qorshaynaysaa inaad tijaabiso? 🤔✨
Dhagaysi wacan! 🎧

Jan 23, 2025
Jan 23, 2025
23 min
Bismilaah ;
Sidee Ayaad U Qorsheyn Kartaa Sannad Guuleysta? 📆Qaybtan isbuucan waxay ku saabsan tahay qorista iyo qorshaynta sannadka cusub. Waxaan kuu soo bandhigayaa qaaciddada "Quarterly Quest" – hab fudud oo aad sannadkaaga ugu qorshayn karto 100 maalmood. 🎯 Sadex waxyaabood oo muhiim ah oo aad sedexdii biloodba xoogga saarto ayaa kaa caawin doona inaad si cad u wajahdo himilooyinkaaga sannadlaha ah.
Dhagaysi wacan📝✨

Jan 16, 2025
Jan 16, 2025
26 min
Bismilaah;
Sidee buu 2024 kuu ahaa? 🤔✨ Qaybtan, waxaan kaga hadlaynaa muhiimadda dib u milicsiga sannadka, qiimaha shukrinta, iyo sida looga faa'iidaysan karo casharrada sannadka tegay si loogu bilaabo 2025 si firfircoon oo guul leh. 🎯💡
Dhagaysi wacan! 🎧📚

Jan 9, 2025
Jan 9, 2025
31 min
Bismilaah;
Hormarka nolosha isbeddel ayuu ku jiraa – markaad maqashid ereyga isbeddel, maxaa maskaxdaada kusoo dhaca?🎯 Aniga, "Ficil la'aan". ficil la'aan isbeddel ma imaanayo, laakiin marmarsiyooyinka ayaa inta badan na xannibaya. Qaybtan, waxaan kula wadaagi doonaa marmarsiyooyinkii iga hor istaagay inaan sameeyo podcast muddo dheer. 😅 Marmarsiyahaagu maxay kaa hor taagan yihiin? Maanta se diyaar ma u tahay inaad bilowdo safarkaaga?
Dhageysi wacan! 🎧✨🫖

Jan 3, 2025
Jan 3, 2025
3 min
Bismilaah;
🔊 Allah subhanahu wa ta'ala wuxuu yiri: 'Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay beddelaan waxa ku jira nafsaddooda.' (Qur’aanka 13:11)
✍️ Tani waxay ina xasuusinaysaa in isbeddelka dhabta ah uu ka bilaabmo gudaha. Qoraalku waa mid ka mid ah aaladaha ugu awoodda badan ee lagu ogaan karo waxa aan u baahanahay inaan beddelno si aan u gaarno qofka aan rabno inaan noqono.
Ku soo dhawaaw gogal-dhiga Kalfadhigii 2-aad ee Hab Fikirka Tarmuuska! 🎧


