Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:
Sida loo abuuro caado qoraal 📓
Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️
Sida ugu habboon ee loo qoro 📝
Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆.
Soo dhawaaw! 👋🎧
Listen on:
Episodes

56 minutes ago
56 minutes ago
43 min
Bismilaah;
Haddii aad maanta la kulmi lahayd qofkii aad ahayd 10 sano ka hor, maxaa kaa yaabin lahaa?
Maanta waxaan ka hadlaynaa 3 qodob oo sahla inaad dib ugu safarto waayihii hore, oo aad si dhab ah u xasuusato qofkii aad ahayd, waxa aad rabtay iyo halka aad maanta joogt.

Aug 20, 2026
Aug 20, 2026
43 min
Bismilaah;
Haddii aan maanta la hadli lahaa Hodantaydii yarayd, maxaan u sheegi lahaa? ❤️ Qaybtan waxaan kaga hadlayaa wax aan jeclaan lahaa inaan fahmo anigoo yar.🫂
Dhagaysi wacan! ❤️

Jul 30, 2026
Jul 30, 2026
1 hr 26 min
Bismilaah;
Qeybtan waxaan kaga sheekeysaneynaa farshaxanka wax wadaagga🤝 laga bilaabo wadaagga aqoonta ilaa geesinimada ku jirta inaad si nugul ula wadaagto dadka aad ku kalsoon tahay waxa qalbigaaga ku jira. 🤍
🎙️ Fiiro gaar ah: Qaybo yar oo codkayga ah waxaa ku jira echo. Fadlan naga raalli ahaada, waxaana rajeyneynaa inaysan saameyn weyn ku yeelan dhageysiga. Mahadsanidiin fahamkiinna. 🙏🎧

Jul 24, 2026
Jul 24, 2026
28 min
Bismilaah,
🍋 Inta Rajadu Jirto...
Qeybta caawa, waxaan ku milicsaneynaa hal fikrad oo qoto dheer oo laga dheehan karo buugga As Long as the Lemon Trees Grow. Waxaan ka sheekeysaneynaa rajada, adkeysiga, iyo awoodda deggan ee qofka ku sii wadda safarkiisa, xitaa marka noloshu ku adkaato.
✨ Dhageysi wacan. 💛

Jul 9, 2026
Jul 9, 2026
37 min
Bismilaah;
Maxaa iga soo jiitay HYROX, maxaanse ka bartay daawashadii Tartanka Adduunka ee Stockholm? Qeybtan waxaan kula wadaagayaa 5 cashar oo aan ka qaatay daawashada HYROX World Championship iyo sababta aan HYROX uga dhigtay Tijaabintayda xagaagan. ☀️💪
Dhagaysi Wacan!

Jun 4, 2026
Jun 4, 2026
31 min
Bismilaah;
Halkan waxaan caawa ku lafo guraynaa Sida feejignaantu u abuurto fursado iyo sababta ficilku uga dhigo fursadahaas kuwo Macno leh.
Dhagaysi Wacan!

May 29, 2026
May 29, 2026
49 min
Bismilaah;
Ku soo dhawaaw Safar, aan caawa Jawaab ugu raadinayno su aasha ah "Sabab ayay nuugu adag tahy inaan tijaabino, ku dhiirano oon barano, sidoo kalena ka mira dhalino wax kasta oon doono?"

May 14, 2026
May 14, 2026
33 min
Bismilaah;
Qaybtan Waxaan kaga sheekaynaynaa caadooyin, Xasuus, iyo Sida qalbigu mararka qaar ugu dheggan yahay wax ka qoto dheer inta aan is leenahay ama aragno.
Dhagaysi Wacan!

May 7, 2026
May 7, 2026
43 min
Bismilaah;
Isku soo noqod wanaagsan dhamaan akhyaarta ku xiran Hab Fikirka Tarmuuska.
Halkaan ka dhagaysi sheeko 130 sanno jirto, oo ka dheeho muhiimada Safarka adigoo u dhex maraya Qoraal iyo Akhris.
Dhagaysi wacan!

Apr 3, 2026
Apr 3, 2026
30 min
Inta badan waxaan diiradda saarnaa sida aan ula hadalno dadka kale,
laakiin marar yar ayaan is weydiinnaa: sidee ayaan nafteena ula hadalnaa?
Qeybtan, waxaan kula wadaagayaa 6 su’aalood oo fudud
oo kaa caawinaya fahamka dareenkaaga,
caddeynta fikirkaaga, iyo inaad si wanaagsan u hadasho—adigoo naftaada ka bilaabaya.
Dhageysi wacan!


