Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:
Sida loo abuuro caado qoraal 📓
Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️
Sida ugu habboon ee loo qoro 📝
Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆.
Soo dhawaaw! 👋🎧
Listen on:
Episodes

4 days ago
4 days ago
40 min
Bismilaah;
Mararka qaar, waxa inaga hor istaaga inaan bilowno waa cabsida ah inaynaan sii wadi doonin. Mar kalena, waxaynu bilownaa wax badan, balse aynaan dhammeystirin. 🤍
Episode-kan waxaynu kaga sheekaysanaynaa joogtaynta, sida aynu u aragno nafteena, iyo waxa wax yar oo joogto ahi muddo dheer inoo qaban karo. 🌱⏳

Oct 15, 2026
Oct 15, 2026
32 min
Bismilaah;
Mararka qaar, waxa inaga hor istaaga inaan bilowno waxyaabaha aynu rabno waa fikirka ah inaan marka hore u baahanahay inaan wax walba ka baranno. Laakiin ka waran haddii aynu marka hore samayno, dabadeedna baranno? 🌱🤍

Oct 8, 2026
Oct 8, 2026
22 min
Bismilaah;
Mararka qaar waxa inaga maqan ma aha fursad, ee waa fasaxa aan nafteena ka sugayno. 🤍Laakiin waa maxay waxa aan nafteena u fasaxayno? ✨

Oct 1, 2026
Oct 1, 2026
2 min
Bismilaah;
Mararka qaar, waxa keliya ee inaga maqan waa inaan nafteena u oggolaanno. 🤍
Dhagaysi wacan!

Sep 24, 2026
Sep 24, 2026
31 min
Bismilaah;
⛵️ Laba safar, laba sano, iyo casharro badan oo dhexda lagu bartay.Maanta waxaan idinla wadaagayaa saddex cashar oo labadii safar ay i bareen.🤍
Dhagaysi wacan!

Sep 17, 2026
Sep 17, 2026
26 min
Bismilaah;
Maxaad Xabaarsan Tahay? 🌊Ma waxaad´ xabaarsan tahay wax aadan xitaa ogeyn? Mise wax aad xambaarsantahy wax aad ogtahay tahay, balse aadan weli diyaar u ahayn inaad iska dejiso?
Dhagaysi wacan!

Sep 10, 2026
Sep 10, 2026
54 min
Bismilaah;
🕰️ 10 sano kadib, haddii qofkii aad ahayd uu maanta kula kulmi lahaa, maxaa ugu yaab badnaan lahaa?
Maanta waxaan dib u milicsanayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay. Waxyaabihii is beddelay, waxyaabihii aan bartay, iyo qofka aan maanta ahay. 🤍✨
Dhagaysi wacan!

Sep 3, 2026
Sep 3, 2026
43 min
Bismilaah;
Haddii aad maanta la kulmi lahayd qofkii aad ahayd 10 sano ka hor, maxaa kaa yaabin lahaa?
Maanta waxaan ka hadlaynaa 3 qodob oo sahla inaad dib ugu safarto waayihii hore, oo aad si dhab ah u xasuusato qofkii aad ahayd, waxa aad rabtay iyo halka aad maanta joogt.

Aug 20, 2026
Aug 20, 2026
43 min
Bismilaah;
Haddii aan maanta la hadli lahaa Hodantaydii yarayd, maxaan u sheegi lahaa? ❤️ Qaybtan waxaan kaga hadlayaa wax aan jeclaan lahaa inaan fahmo anigoo yar.🫂
Dhagaysi wacan! ❤️

Jul 30, 2026
Jul 30, 2026
1 hr 26 min
Bismilaah;
Qeybtan waxaan kaga sheekeysaneynaa farshaxanka wax wadaagga🤝 laga bilaabo wadaagga aqoonta ilaa geesinimada ku jirta inaad si nugul ula wadaagto dadka aad ku kalsoon tahay waxa qalbigaaga ku jira. 🤍
🎙️ Fiiro gaar ah: Qaybo yar oo codkayga ah waxaa ku jira echo. Fadlan naga raalli ahaada, waxaana rajeyneynaa inaysan saameyn weyn ku yeelan dhageysiga. Mahadsanidiin fahamkiinna. 🙏🎧


