Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:
Sida loo abuuro caado qoraal 📓
Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️
Sida ugu habboon ee loo qoro 📝
Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆.
Soo dhawaaw! 👋🎧
Listen on:
Episodes

Jan 29, 2026

Jan 22, 2026
Jan 22, 2026
18 min
Bismilaah;
Sanad walba waa nala yiraahdaa wax badan akhri, balse nalama baro sida si fiican wax loo akhriyo.
Qaybtan, waxaan kula wadaagayaa isbeddelkii aan sameeyay 2025: ka guurista akhris aan ujeeddo lahayn una guuray akhris leh niyad iyo himilo. Waa milicsi ku saabsan buugaagta, aqoonsiga, iimaanka, iyo sababta waxaad akhrido ay uga muhiimsan tahay inta aad akhrido. 📚✨

Jan 15, 2026
Jan 15, 2026
33 min
Bismilaah;
Takooriddu mar walba kama timaaddo dibadda — mararka qaarkood waxay ka dhex jirtaa bulshadeenna. 🪞Qaybtan, waxaan si toos ah u eegaynaa sida kala soociddu uga muuqato dhexdeena: qabiil, midabka maqaarka, xaaladda caafimaad, iyo aragtiyo nololeed oo kala duwan. 🧠Ma aha in cid kale la eedeeyo ee waa in qof walba is weydiiyo su’aasha adag: anigu xaggee ayaan ka taaganahay?Qaybtani waa martiqaad aad ku joojiso is-difaaca, kuna bilowdo is-eegis dhab ah. 🔍✨

Jan 8, 2026
Jan 8, 2026
12 min
Bismilaah;
Qaybtan waxaan ku eegaynaa saddex sheeko oo muujinaya awoodda rumaysadka (beliefs) 🧠 sida waxa aad aaminsan tahay ay run ay u noqdaan. Waxaan sidoo kale ka hadli doonaa sida rumaysad kastaa u yahay sheeko la barto oo qofku isu sheego 📖, isla markaana ay tahay mid la beddeli karo 🌱✨.

Dec 25, 2025
Dec 25, 2025
18 min
Bismilaah;
Duug dhammaan caadooyinkii ku dilay 2025.Ha u ogolaan inay kuu raacaan 2026.Hadda go’aanso qofka aad noqonayso, ka hor inta uu sannadku bilaaban.

Dec 18, 2025
Dec 18, 2025
42 min
Bismilaah;
Qaybtan waxaan la sheekaystay Cabdullaahi oo nagala soo hadlaya dalkii hooyo, gaar ahaan Muqdisho. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiin saarayaa dhaqankeena Soomaaliyeed, waxa mudan in jiilasha loo sii gudbiyo, iyo waxa u baahan in si geesinimo leh looga tago.
Dhagaysi Wacan!

Dec 11, 2025
Dec 11, 2025
35 min
Bismilaah;
Qaybtan waxaan ku sharaxayaa 5-ta nooc ee kalsoonida si aan nafteena u baranno 😄💪. Maxay kala yihiin, sideese ku garan kartaa kuwa aad ku xooggan tahay iyo kuwa u baahan in la xoojiyo? 🌱✨
Halkan ka dhagayso!

Dec 4, 2025
Dec 4, 2025
16 min
Bismilaah;
Shanta isbuuc ee ugu danbaysa sanadka waxay la yimaadaan labo dareen midood. Culays ama Farxad iyo rayn rayn.
Suaal marka: Keebaad adigu hadda dareemaysaa? Sideese dareenkaa uga dhigi kartaa mid ku anfaco sanadka bilaabmaya? Haduu Alle yiraah.
Ku dhamee saadka xayinimadii aad ku bilawday;
Sidoo kale dhagayso xalqadii sannadkii 2024, ee Peak.end rule. "waa-maxay-faa-iidada-peak-end-rule-sida-loo-abuuro-dhammaad-guul-iyo-xusuus-leh-2024"
Dhagaysi Wacan!

Nov 20, 2025
Nov 20, 2025
36 min
Bisilaah;
Qaybtan waxaan la fariistay Jacayl badan u haya dhaqanka Soomaaliyeed. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiiminayaa laba arrimood:
1) Hal dhaqan oo aynu jeclaan lahayn inuu sii noolaado.
2) Iyo hal dhaqan oo aynnu rajaynayno inuu halkan ku joogsado.
Martiduna waa qofkii ila wadaagay Podcast-gii ugu horeeyay ee somali ku baxa oon dhagaysto muddo 6-7 sanno laga joogo. Sidoo kalena ka danbaysay, in uu Hab Fikirka Tarmuuska Soomali ku baxo.
Marka dhagaysi wacan!

Nov 13, 2025
Nov 13, 2025
44 min
Fikir dib kuula haraya maa ku daaliyay? 🤔
Qaybtan cusub waxaan kaga hadlaynaa 3 qaab oo aad awoodda ugaga soo ceshan karto fikirka xun (Negative) 💫Qalinkaga, codkaaga, iyo qof aad ku kalsoon tahay ayaa noqon kara furaha xorriyadda maskaxda. 🖊️🎙️🫶🏽Dhagayso si aad u barato sida aad ugu beddeli karto fikir xun mid ku dhisa. 🌱


