Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:
Sida loo abuuro caado qoraal 📓
Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️
Sida ugu habboon ee loo qoro 📝
Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆.
Soo dhawaaw! 👋🎧
Listen on:
Episodes

Nov 6, 2025
Nov 6, 2025
32 min
Bismilaah;
Inta ugu badan waxaan maqalnaa “Naftaada baro,” balse xaggee laga bilaabaa? Qaybtan waxaan aad u dhex jeexaynaa badweynta aqoonta nafta qayb ta ugu mudan oo ah fikirkaaga, codadka gudaha ee kuu sheegaya cidda aad tahay, iyo sida maskaxdaadu u qaabayso Hab Fikirkaaga iyo noloshaada. 🎧💭

Oct 31, 2025
Oct 31, 2025
21 min
Bismilaah;
Markaan maqallo “Naf jaceyl” waxaan waagii hore u aaminsanaa inuu yahay kibir iyo kelinimo. Laakiin maanta waxan ogaaday inuu yahay bilowga ISBEDEL Ka 💫Qaybtan waxaan ku falanqeynayaa mawduuca Naf jaceylka iyo sababta uu muhiim ugu yahay qof walba. 💭

Oct 23, 2025
Oct 23, 2025
29 min
Bismilaah;
Mararka qaar fadhigu waa nasasho,laakiin haddii uu bato oo dheeraado, wuxuu dhalaa wax layiraahdo shalayso oo hadhoow nagu noqda bahal si arxan daro ah noo cuna. ⏳Dhageyso qaybtaan si aad u ogaatid sababta ay dhaqaaqidu muhiim u tahay 💫

Oct 16, 2025
Oct 16, 2025
52 min
Bismilaah;
Qaybtan waa wada sheekaysi furan oo uu nagala soo qayb galay Maxamed Cali, annagoo si hufan uga hadlayna micnaha iyo ujeeddada “Dhugataye Maxaad Dhigi?” 💭Ayaan hadana wadaagnay sheeko ku saabsan fahamka, dhaqanka, iyo dib u milicsiga, sidoo kalena dib u eegnay waxa aan ka dhaxalnay iyo waxa aan rabno inaan dib u qorno ✍️🌱
Dhagaysi Wacan!

Oct 9, 2025
Oct 9, 2025
52 min
Bismilaah;
Haddii aad weligaa ku hamin jirtay inaad wax qabato 💭, ay jirto fikrad mar walba kugu soo noqnoqota mid aad rabtay inaad bilowdo laakiin aadan weli ku dhiiran 😔 ama aadan garan sida loo bilaabo 🚶♀️…Haddii ay saas tahay, qaybtaan waa tii aad ka heli lahayd talooyin iyo xooggii aad wax ku bilaabi lahayd 🎧✨

Oct 2, 2025
Oct 2, 2025
1 min
Bismilaah;
🎙️ Season 4 Trailer;
Waa waqtigii aan dib u xusuusanlahyn wixii aan qornay, aan sharafno qaybaha wanaagsan ee na sameeyey, iyo aan geesinimo u yeelanno inaan dib u qorno wixii aan noo adeegayn. 🌍✨Dhaqanku waa awood, wuu na qaabeeyaa, laakiin waa aan anagu Qorno. 🪔📜Hadda qalin adiga ayuu gacantaada ku jira. Maxaad u gudbin doontaa carruurta iyo jiilasha soo socda? 🕊️💛
Ku soo dhawaaw season-ka 4.aad iyo Dhugatayee maxaad dhigi!

Sep 25, 2025
Sep 25, 2025
29 min
Bismilaah;
Qaybtan waxaan ka sheekeynayaa sida ubaxu u dhasho, u koro, u qurux bato, ugu dambeyntiina u engego. 🌸 Laakiin… ma halkaas baa sheekadu ku dhammaataa?
Waxaan ku milicsanay nolosha bini’aadamka, marxaladaha kala duwan ee aan soo marno, iyo runta weyn ee dhimashadu in aysan ahayn dhammaadka , balse ay tahay bilow cusub, Akhira. 🌙✨
Mahadsanid inaad ila soo socotay intii lagu jiray Season 3.💛Tani ma aha dhammaad… waa bilow cusub oo Season 4 ah, inshaa’Allah. 🌱🎉

Sep 18, 2025
Sep 18, 2025
38 min
Bismilaah;
Ubaxa Lotus wuxuu ku dhashaa dhoobo iyo biyo wasakh ah, haddana wuxuu noqdaa mid ka mid ah ubaxyada ugu quruxda badan adduunka. 🎋Casharka? Waxaa jira qurux iyo awood gudahaada ah, xitaa haddii deegaankaagu adag yahay. 💪🏽✨Qeybtan waxaan ku baran doonaa sida fikradahaaga iyo waxa aad quudiso maskaxdaada ay u qaabeeyaan noloshaada. Iyo sida aad ugu abuuran karto qurux iyo xoog, meel kasta oo aad joogto. 🌍🌸

Sep 11, 2025
Sep 11, 2025
26 min
Bismilaah;
🐌✨ Qaybtan cusub ee Mindset Shift waxa aan daaha ka qaadeynaa casharro qoto dheer oo laga barto Cali_Dhareerowga (sluga) gaabiska. Maxaa yeelay, noloshu mar walba degdeg ma aha. Quraanjadu waxay na bartaan xawaare iyo wadajir, halka slugu uu na baro dulqaad iyo Adkaysi.
👉 Haddaba, sidee ayay u dhici kartaa in waxa aad u aragto daciifnimo ay dhab ahaantii noqdaan xooggaaga?👉 Sidee ayaad uga dhigi kartaa culayskaaga mid iftiin kuu noqda, halkii uu kuu noqon lahaa culeys?
Dhagayso qaybta oo ogaaw: ✨ Sheekadaada guusha weli way ku sugeysaa.

Sep 4, 2025
Sep 4, 2025
52 min
Bismilaah
Xalqadaan waxaa igu wehliya Fatush iyo Iftin, waxayna wax badan naga yiraahdeen Teleefonka , Scroll-ka, dhibaatadiisa, iyo waxa aan ku xalin karno.
Dhagaysi Wacan!


