Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:
Sida loo abuuro caado qoraal 📓
Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️
Sida ugu habboon ee loo qoro 📝
Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆.
Soo dhawaaw! 👋🎧
Listen on:
Episodes

Aug 28, 2025
Aug 28, 2025
41 min
Bismilaah;
Dayrta iyo mugdiga jiilaalka ha ka baqin! 😌✨ Baro sida loo ga hortago murugada aan dhicin, loo helo farxad, iyo sida maskaxda loo beddelo si xilliga dayrta ay kuu gu noqdo mid wax soo saar leh. 🌟 3 talooyin fudud: diiradda saar, kuwaan soo socda! 🍁💪

Aug 22, 2025
Aug 22, 2025
33 min
Bismilaah;
✨ Qaybtan waxaan ka hadleynaa khatarta ugu weyn ee aan badanaa iska indha tirno: wax samayn la'aan (Doing nothing) . Mararka qaar nasashada ujeeddo leh 🧘♂️ waxay nolosha keentaa degenaansho, balse marka fikir badan 💭, cabsi 😟 iyo dib u dhigista ⏳ ay xukunka qabsadaan , waxaad ku dambayn doonaa waxba qabanin. Haddaba, ma adigaa haya hoggaanka noloshaada mise kuwani? 🌅💪

Jul 17, 2025
Jul 17, 2025
34 min
Bismilaah;
Episode-kan waxaan ku eegaynaa sida dunida ubaxyadu inoogu barayaan casharro muhiim ah 🌼. Midabyo kala duwan, udug kala duwan, iyo xilliyo kala duwan, dhammaantood waxay ka tarjumayaan kala duwanaanta bani’aadamka 🌍. Quruxdu ma ku jirtaa isku ekaanshaha? Maya! Quruxdu waxay ku jirtaa kala duwanaanta, fahamka, iyo aqbalaadda. 🫶✨
Dhagaysi wacan!

Jul 13, 2025
Jul 13, 2025
6 min
Bismilaah;
🎙️ Qeybtan hordhaca ah ee taxanaha cusub, waxaan si tartiib ah ugu guda galeynaa ka faa’iidaysiga ubaxa 🌸 iyo halka uu nolosheena ka shabaho.
Muxuu adigu ku xasuusiyaa ubaxu? 🌷💭Qurux? Xilli roobaad? Xasillooni? Mise wax kale?
FG:
Arrimo farsamo dartood ayay xalqadan dib u dhac ku yimid. Sida caadiga ah waa la soo gelin lahaa Khamiista. Mahadsanid dulqaadkaaga. 💛

Jul 3, 2025
Jul 3, 2025
21 min
Bismilaah;
Qaybtan cusub ee podcast-ka, waxaan milicsanayaa 90-kii maalmood ee labaad ee sannadka 2025. Wixii aan ku guuleystay, meelaha aan ku liitay, iyo halkii aan ka qaldamay. Waxaa intaas dheer, waxaan dib u eegayaa sida stress-ku uu uga yimaado waxyaabaha aan dayacno, iyo sababta ay muhiim u tahay in aan mar walba dib isu toosinno, jihadeenna saxno, kuna talaabsanno koboc.
🎯 Marka adiga, sidee bay kuu dhaafeen 90-kii maalmood ee lasoo dhaafay? Maxaad ka baratay, maxaadse diyaar u tahay inaad ku hagaajiso 90-ka xiga?

Jun 26, 2025
Jun 26, 2025
11 min
Bismilaah;
⚠️📢Shanqadh ayaa ka yeeraysa qaybo ka mid ah xalqadan🔊 Waad ku mahadsantahay samirkaaga iyo sida aad mar kasta ii dhagaysato ❤️.
Qaybtan 📖 waxaan ku eegaynaa sida xusuustu 🧠 ay daciif u tahay, una libdho 🫥, iyo muhiimadda ay leedahay in la qoro ✍️ si aan dib ugu laabanno waqtiyadaas 🕰️. 📸✨

Jun 19, 2025
Jun 19, 2025
17 min
Bismilaah;
🌿 Dabeecadda oo dhan way socotaa ☀️🌙🌬️☁️ Maalinta, habeenka, cirka, dabaysha. Inaguna sideen u dhaqaaqnaa jir ahaan 💪, dareen ahaan 💭, iyo ruux ahaanba 🕊️?
🎧 Qaybtan waxaan ku eegaynaa muhiimada dhaqaaqa si aan u helno caddayn nolosheenna ah.
Dhagaysi wacan! 🎙️✨

Jun 12, 2025
Jun 12, 2025
15 min
Bismilaah;
Roobku waa raxmad ☔️, waa xasuus 💭, waa bilow cusub 🌱. Qaybtan cusub ee 🎙️ podcast-ka, waxaan ka hadlaynaa sida roobku inoo xasuusin karo imaan 🕌, rajo iyo nafis.
Mararka qaar qalbigeennu wuxuu noqdaa sida dhul qallalan oo kale 😔 laakiin roobka raxmadda Ilaahay 🤲🏽 ayaa soo da’a, qalbigana dib ayuu u noolaadaa 💚.
Dhageyso ➡️ Ka fakir ➡️ Na La wadaag, adigoo isweydiinaya:"Roobku muxuu i xasuusinayaa?" 🌧️💬

May 30, 2025
May 30, 2025
36 min
Bismilaah;
Ma ogtahay in barashada hal xirfad cusub ay u shaqeyso maskaxdaada sida jimicsi ugu yahay jirkaaga? 🏋️♂️ Soo ogow faa'iidooyinka qarsoon ee lagu furfuro maskaxda—iyo sababta ay muhiim u tahay in mar walba aad is tijaabiso 🔍

May 22, 2025
May 22, 2025
19 min
Bismilaah;
Xagee ayaad maanta joogtaa?Mararka qaar, waxaan u ekaan karnaa kuwo deggan ama xasilloon , laakiin gudaha waxaa ka socda dadaal, korriin iyo isku day. Qeybtan waxaan uga sheekeynayaa mallard-ka, geedaha, iyo buugaagtii aan akhriyey, iyo sida ay noo tusinayaan in dadaalka qarsoon uu ugu dambeyn keeno midho. 🎧🌱🦆
Dhageyso si aad u xasuusato, in dhaqaaq kastaa uu qiimo leeyahay — xitaa kan aan la arkin.


