Hab Fikirka Tarmuuska

Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:

Sida loo abuuro caado qoraal 📓
Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️
Sida ugu habboon ee loo qoro 📝
Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆.

Soo dhawaaw! 👋🎧

Episodes

May 15, 2025

18 min

                                  Bismilaah;
Haddii aad dareentay daal, hoos u dhac, ama waqti aan xasilloonayn,  waa caadi. Dib u soo kabashadaadu waa qeyb ka mid ah safarka. Waa astaanta ubax cusub oo soo bixi doona.
Xilli walba wuxuu leeyahay saameyn, geed walbana wuu xasuustaa qabowgii uu ka soo gudbay. Qeybtan, waxaan ka hadlaynaa sida dabeecaddu noogu noqoto muraayad.  Haddii geedaha ay markale ubaxaan (Caleemo yeeshan) adiguna waad awooddaa.✨ Dhageyso si aad u hesho xasuusin qalbigaaga taabanaysa. 🌱🕊️

May 8, 2025

14 min

                                Bismilaah;
Ku soo dhawaaw kalfadhigan saddexaad,
kaas oo kaliya naga codsanayaa hal shay:
in aan is-joojino 🌿, eegno 👀, oo aan dareenno 🤲🏽.
Waayo markaad aamusto 🤫, waxaad maqashaa codad kale, biyo dhaqaaqaya 💧, dabeyl 💨, iyo qalbigaaga ♥️.
Qeybtan, waxaan bilaabaynaa safar cusub 🚶🏽‍♀️🛤️ oo ku saabsan fahamka 🧠, fiirsashada 🌸, iyo koboca gudaha 🌱
 

May 1, 2025

3 min

                            Bismilaah; 
Xilli cusub oo degganaan iyo ubax ah ayaa bilowday. 🌸
- Marka nafta waan xaadiri doonaa, waan u fiirsan doona 🌿
- Sheekooyin ka imanaya Abuurka Alle sida, ubax, geedaha iyo xayawaanada,  iyo qoraal kaa caawinaya inaad is fahamto. ✍️Ku soo dhawoow Season-ka 3aad.✨
 

Apr 25, 2025

23 min

                            Bismilaah;
Qeybtan dib u eegista ah waxaan ka soo xulnay dhawr cashar oo Season 2 ka mid ahaa, kuwaas oo si qoto dheer u taabtay:
🧠 Maskaxda & rumaynta nafta
✨ Awoodda lagu gaaro yoolal (Dua Board)
🌟 Quruxda ku jirta inaad adigu ahaato (Duwanaashadaadu waa awood)
⚡ Iyo sababta aan uga baqno ficilka
Haddii aad rabto inaad dib u eegto safarka fikirka & koritaanka , hadaba tani waa qaybtaada.

Apr 17, 2025

32 min

                              Bismilaah
Sidee ayay 16-ka qeyb ee Season 2 u beddeleen fikirkeyga, nolosheyda, iyo ducadeeydaba? 🧠✨ Qeybtaan waxaan kula wadaagayaa 3 qodob oo noloshayda si gaar ah u taabtay, iyo sida aad adiguna ficil uga dhigi karto.
Waxaa intaa dheer:
wax yar oo kuu iftiiminaya waxa ku sugaya toddobaadyada soo socda.
Waa gunaanad, waa xasuus… waa bilow cusub! 🌙🚀

Apr 11, 2025

14 min

                      Bismilaah;
Ma ogtahay in 90 maalmood oo kaliya aad ku beddeli karto maskaxdaada, jirkaaga, iyo ruuxdaada? 🎯
Qaybtan waxaan ku qaadaa dhigaynaa: 🧠 Hal wax oo maskaxdaada kobcinaya💪 Hal ficil oo jirkaaga xoojinaya🕊️ Hal tallaabo oo ruuxaaga sare u qaadaysa
✨ Haddii aad rabto in 90-ka maalmood ee foodda inagu soo haya ay noqdaan kuwii ugu qiimaha badnaa,  halkii saxda ahayd ayaad timid!
Dhagaysi wacan! 🎧

Apr 3, 2025

13 min

                            Bismilaah;
90-kii maalmood ee ugu horreeyey 2025 waa dhammaadeen. Siduu ahaay safarkaagii? Maxaad Haleeshay? Maxaad seegtay? ⏳🤔🔹 Ma ogtahay in qayb cusub ay kugu jirto, balse u baahan inaad soo saarto? 🚀🔹 Ha noqon qof aasa qayb asaga ka mid ah. Baro, tijaabi, oo hel qaybta adiga kaa maqan! 🔥
Dhagaysi wacan! 
 
 

Mar 28, 2025

18 min

                              Bismilaah;
Qaybtan waxaan diiradda saaraynaa sagootinta Ramadaanka 2025 si qoto dheer oo xusuus mudan. 🕌✨ Waxan halkan qaada dhignay saddex su’aalood oo kaa caawinaya inaad ka tagto qayb ka mid ah naftaada sannadkan, si aad sanadaha dambe dib ugu milicsato Ramadaankan gaarka ah. Ma doonaysaa inaad ka tagto xusuus kaa farxisa marka aad dib u jaleecdo? Hadba Ila qor🎤✍️
Dhageyso oo qoro xusuustaada maanta! 🚀
 

Mar 20, 2025

8 min

                                    Bismilaah;
10-ka habeen ee ugu fadliga badan waa nala soo gaadhay! 🌙✨ Xalqadan gaaban, waxaan ka hadli doonaa muhiimadda ducada iyo sida aan uga faa’iidaysan karno fursadan gaarka ah. 🤲🏽💫
Ha moogan!

Mar 14, 2025

36 min

                                 Bismilaah; 
Ramadaan & Workout! 🌙🏋️‍♂️Ma la jaanqaadi kartaa jimicsiga inta lagu jiro soonka? Xalqaddan, waxaan la falanqeyn doonaa marti khibrad leh si aan uga faa’iidaysano Ramadaanka si aan u dhaqaaqno! Dhagayso si aad u ogaato sida Ramadaanka iyo jimicsigu iskula jaanqaadi karaan! 🎙️✨

Copyright 2025 All rights reserved.

Podcast Powered By Podbean

Version: 20241125