Hab Fikirka Tarmuuska

Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:

Sida loo abuuro caado qoraal 📓
Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️
Sida ugu habboon ee loo qoro 📝
Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆.

Soo dhawaaw! 👋🎧

Episodes

Dec 26, 2024

14 min

Bismilaah;
Qamiista ugu dambaysay ee sannadkan 🗓️✨, waxaan warqad dhiirrigelin ah u qorannay nafteena mustaqbalka 💌. Warqaddan waxay noo tahay fursad aan ku sawiranno guusha 🌟 iyo qofnimada aan rabno inaan noqono sannadka soo socda, Insha Allah 🙏.
Sidoo kale, waxaan kuu rajeynayaa sannad cusub oo barwaaqo leh 🌱✨, guulo faro badan oo kaa farxiya 😊🏆, iyo horumar joogto ah 📈. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa inuu kuu fududeeyo waddo kasta oo wanaag kuu horseedda 🤲💖.
Dhagaysi wacan! 🎧

Dec 19, 2024

15 min

Bismilaah; 
Caawa waxaan ka hadlaynaa sababta caadooyinka qaar u hirgalaan halka kuwa kalena ay fashilmaan. 🕰️📉
Waxaan si gaar ah diiradda u saarnaynaa...
Doorka wakhtiga uu qofku wax bilaabayo 🕒✨.
Dhibaatada ka dhalata bilaw caado cusub oo niyad yari iyo sabab la’aan ku dheehan tahay 🚧😟.
Sida aan uga faa’iidaysan karno bishan December iyo maalmaheeda ugu dambeeya si aan u gaadhno horumar waara 🍂🔥.
Dhagaysi wacan! 🎧🌟

Dec 12, 2024

14 min

Bismilaah;
Qaybtan waxaan si qoto dheer uga hadlaynaa:
Muhiimadda maalmaha ugu dambeeya 2024 🗓️ iyo sida looga faa’iidaysan karo.
Shidaalka aan ka qaadan karno maalmahan yar ee haray, si aan si wanaagsan ugu qaabeeyno sannadka 2025 🌱🔥.
Diyaar ma u tahay inaad sanadkan si xikmad leh u soo gabagabeyso? 💡 Ku soo biir ka miradhalinta maalmahan ugu dambeeya ee 2024! Dhagaysi wacan! 🎧
 

Dec 5, 2024

37 min

Bismilaah;
✨ Maxaad Ka Baratay Bisha November? 🎯🚀
Qaybtan waxaan ka wada hadlaynaa:🔍 3 caqabad oo si toos ah u dhaawaca diiradda saarida (focus)🛡️ Sida aan uga hortagi karno caqabadahaas si aan u joogtayno guulaha🎙️ Casharadii ugu muhiimsanaa ee aan ka faa’iiday bishii November
Maxaa adigu bishan ka baratay? 💭 Igula wadaag Instagram-ka cusub ee Podcast-ka: @Hab Fikirka Tarmuuska Podcast 📲💬 Dhagaysi wacan! 🎧  https://www.instagram.com/hab_fikirka_tarmuuska_podcast_?igsh=cHc1eWVhd2szbXV4&utm_source=qr 

Nov 29, 2024

30 min

Qaybtan waxaan ku faaqidnay:✅ 5 qodob oo muhiim ka dhigaya qorista jadwalka usbuuca❓ 5 su’aalood oo kaa caawinaya inaad qorto jadwal fudud oo waxtar leh🔍 Qiimaynta loo baahan yahay si loo ogaado wixii hagaagay iyo wixii u baahan in la toosiyo
Maxaad adigu adeegsataa si aad u maarayso hawlaha kuu yaalla usbuuca? 🤔🖊️
Dhagaysi wacan! 🎧✨

Nov 21, 2024

32 min

                                  Bismilaah; 
Caawa waxaan podcast-ka kaga hadlaynaa: Saddex sababood oo naga hor istaaga riyooyinkeena ⛔🛑🚪 🌟, saddex waxyaabood oo ay tahay inaan carruurta uga dayano 👶✨, iyo su’aal xiiso leh oo dib kuugu celinaysa xusuusta carruurnimadaadii 🎠.
Dhagaysi wacan! 🎧💡

Nov 14, 2024

17 min

Bismilaah;
Qaybtan waxaan ku wada ogaan doonaa su’aalo hagaya qofka si uu naftiisa u iftiimiyo, una fahmo waxa runtii mudan in uu xoogga saaro maalintiisa 🌅📝. Ma jiraan su’aalo gaar ah oo aad is leedahay waa muhiim in la isweydiiyo si maskaxdu ugu iftiimiso yoolalkeeda? 🤔✨ Halkan waxaan ku wadaagi doonaa labo su’aalood oo ay habboon tahay inaan u fariisanno, si ay nooga caawiyaan inaan si qoto dheer u fahanno muhiimadaha mudnaanta iyo waxqabadka habboon 🌱💭.
Dhagaysi wacan! 🎧

Nov 7, 2024

29 min

Bismilaah;
Sida xilli-roobaadka 🌧️, jiilaalka ❄️, iyo xagaaga 🌞, ayuu qofkuna wuxuu leeyahay xilliyo uu ku jiro heerar kala duwan oo nafeed. Maaddaama aan ku guda jiro "season-ka" barashada Ilaahay 🌿, qaybtan waxaan kula wadaagi doonaa saddex ka mid ah casharadii ugu qiimaha badnaa ee aan ka bartay bishii Oktoobar 🌌✨. Intaa waxaa sii dheer, waxaan ku faaqidi doonaa qiso MRI oo xiiso ii lahayd markii hore iyo markii danbe wixii nakala raacay 🖤.
Dhagaysi wacan! 🎧

Nov 1, 2024

28 min

Bismilaah; 
Qaybta 7-aad ee podcast-keena, waxaan ku falanqeyn doonaa dib-u-eegista bishii tagtay 📅✨. Waxaan dhex mari doonnaa 9 su'aalood oo milicsiga bisha ah 🧐 iyo 3 su’aalood oo la xiriira qorshaynta bisha soo socota 📝. Bisha Oktoobar, ha moogaan inaad dib u milicsato dareenka iyo xaaladaha kuu gaarka ah, si aad u fahamto oo u kobciso naftaada. Su’aashu waa: ma lagama maarmaan baa in bil kasta hal mar la milicsado?
🎙️ Dhagaysi wacan!

Oct 24, 2024

22 min

Qaybta 6-aad waxaan kaga hadlaynaa "Haddii aan nala xasuusin, xasuusan mayno" 🤔💭. Qaybtan, waxaan falanqeyn doonaa labo sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan u qorno fikradaha iyo xusuusta 📚✍️. Sidoo kale, waxaan ku qaadaa dhigaynaa labo tusaale oo shaqsi ah oo na tusinaya in aan wax ilowno, balse Allah iloobin, iyo sida dhiirigalin ugu jirto waxa aan horay u qornay 🌟📝. Dhagaysi wacan! 🎧✨

Copyright 2025 All rights reserved.

Podcast Powered By Podbean

Version: 20241125