Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka โ๏ธ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha ๐ง , iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:
Sida loo abuuro caado qoraal ๐
Meesha iyo waxa aad qorayso ๐๐๏ธ
Sida ugu habboon ee loo qoro ๐
Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan ๐ก, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha ๐๐.
Soo dhawaaw! ๐๐ง
Listen on:
Episodes

Oct 17, 2024
Oct 17, 2024
37 min
Qaybtan 5-aad ee podcast-keena, waxaan kaga hadlaynaa muhiimada qoraalka fikirrada subaxnimo (Morning thoughts) ๐
๐. Sidoo kale, waxaan dul istaagaynaa khasaaraha ka dhalan kara marka aan la qorin fikradahaasโmid dhaqaale ๐ธ iyo mid nafba leh ๐. Maxaa looga jeedaa "shabeelka" ๐ aan iska ilaalinayno, iyo "faraska" ๐ aan daajinayno? Jawaabahaas iyo kuwo kale oo badan ayaad ka heli doontaa qaybtan.ย
Dhagaysi wacan! ๐งโจ

Oct 11, 2024
Oct 11, 2024
25 min
Qaybtan 1.aad ee 'Ila Qor' waxaan uga hadleynaa waxa aan qorayno, halka aan ku qorayno, iyo sababta muhiimka ah ee ka dambeysa ku qorida Futureme. ๐ค Waa safar lagu ogaanayo sida xusuusta iyo qoraalku isugu xidhan yihiin, oo aan dib ugu milicsaneyno waxa nolosha mid xasuus mudan ka dhigaya. ๐ค
Dhagaysi wacan!๐

Oct 10, 2024
Oct 10, 2024
24 min
Bismilaah;
Kahor intaanan bilaabin qoraalkeenii ugu horreeyay, waxaan qaybtan ku xusnay qayb ka mid ah awoodda qalinka iyo muhiimadda uu leeyahay. Sidoo kale, waxaan kula wadaagay afar sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan qoraallo u qorno.ย ๐โจ
Dhagaysi wacan!ย

Oct 6, 2024
Oct 6, 2024
26 min
Bismilaah;
Hab fikirkee ayay adiga kula tahay inuu noqon karo caqabadda ugu weyn ee qof ka hor istaagi karta inuu isbeddel ama horumar sameeyo?
Qaybtan 2-aad waxaan maanta ku falanqeynaynaa 4 qodob oo qofka u diida inuu tallaabo qaado si uu isbeddel u sameeyo. Nasiib wanaag, waa wax la bedeli karo haddii qofku uu habka fikirkiisa kaliya beddelo.ย
Dhagaysi wacan!ย ๐

Oct 3, 2024
Oct 3, 2024
11 min
Bismilaah;
Xalqadan 1.aad waxay gogoldhig u tahay xalqadaha kale oo soo socda, sidoo kale waxay sawir kaa siinaysa sababta Podcast-ga "Hab Fikirka Tarmuuska" luugu magac daray (Hadaba ila dhagayso 3.dexda shaqsi ee aadanuhu u kala baxo, labo waan iska ilaalin doonaa inaan noqono , halka aan hal ka mid ahna ku dedaali doono noqoshadiisa). Sidoo kale wax ka ogoow xalqadaha soo socda waxay xambaarsanaan doonaan Insha Allah.ย
Dhagaysi wacan!ย

Sep 24, 2024
Sep 24, 2024
2 min
Bismilaah,
Tarmuusku waxaan aaminsanahy in uu ka mid yahay alaabta hoy kasta oo bini aadam laga heli karo, hoy soomaliyeedna warkiiba daa. Mise is waydiisay halka aan Tarmuuska ka shabahno? Nafteenu sida Tarmuuska oo kale ayay u baahantahayย in laga rogo wixii aan anfacaad u lahayn, la' carfiyo kadibna lagu shubo wax cusub.ย Ku soo dhawaaw Hab Fikirka Tarmuuska by Hodan Hilmi.ย


