Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa: Sida loo abuuro caado qoraal 📓 Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️ Sida ugu habboon ee loo qoro 📝 Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆. Soo dhawaaw! 👋🎧
Episodes

Thursday Dec 12, 2024
Thursday Dec 12, 2024
Bismilaah;
Qaybtan waxaan si qoto dheer uga hadlaynaa:
Muhiimadda maalmaha ugu dambeeya 2024 🗓️ iyo sida looga faa’iidaysan karo.
Shidaalka aan ka qaadan karno maalmahan yar ee haray, si aan si wanaagsan ugu qaabeeyno sannadka 2025 🌱🔥.
Diyaar ma u tahay inaad sanadkan si xikmad leh u soo gabagabeyso? 💡 Ku soo biir ka miradhalinta maalmahan ugu dambeeya ee 2024! Dhagaysi wacan! 🎧

Thursday Dec 05, 2024
Thursday Dec 05, 2024
Bismilaah;
✨ Maxaad Ka Baratay Bisha November? 🎯🚀
Qaybtan waxaan ka wada hadlaynaa:🔍 3 caqabad oo si toos ah u dhaawaca diiradda saarida (focus)🛡️ Sida aan uga hortagi karno caqabadahaas si aan u joogtayno guulaha🎙️ Casharadii ugu muhiimsanaa ee aan ka faa’iiday bishii November
Maxaa adigu bishan ka baratay? 💭 Igula wadaag Instagram-ka cusub ee Podcast-ka: @Hab Fikirka Tarmuuska Podcast 📲💬 Dhagaysi wacan! 🎧 https://www.instagram.com/hab_fikirka_tarmuuska_podcast_?igsh=cHc1eWVhd2szbXV4&utm_source=qr

Friday Nov 29, 2024
Friday Nov 29, 2024
Qaybtan waxaan ku faaqidnay:✅ 5 qodob oo muhiim ka dhigaya qorista jadwalka usbuuca❓ 5 su’aalood oo kaa caawinaya inaad qorto jadwal fudud oo waxtar leh🔍 Qiimaynta loo baahan yahay si loo ogaado wixii hagaagay iyo wixii u baahan in la toosiyo
Maxaad adigu adeegsataa si aad u maarayso hawlaha kuu yaalla usbuuca? 🤔🖊️
Dhagaysi wacan! 🎧✨

Thursday Nov 21, 2024
Thursday Nov 21, 2024
Bismilaah;
Caawa waxaan podcast-ka kaga hadlaynaa: Saddex sababood oo naga hor istaaga riyooyinkeena ⛔🛑🚪 🌟, saddex waxyaabood oo ay tahay inaan carruurta uga dayano 👶✨, iyo su’aal xiiso leh oo dib kuugu celinaysa xusuusta carruurnimadaadii 🎠.
Dhagaysi wacan! 🎧💡

Thursday Nov 14, 2024
Thursday Nov 14, 2024
Bismilaah;
Qaybtan waxaan ku wada ogaan doonaa su’aalo hagaya qofka si uu naftiisa u iftiimiyo, una fahmo waxa runtii mudan in uu xoogga saaro maalintiisa 🌅📝. Ma jiraan su’aalo gaar ah oo aad is leedahay waa muhiim in la isweydiiyo si maskaxdu ugu iftiimiso yoolalkeeda? 🤔✨ Halkan waxaan ku wadaagi doonaa labo su’aalood oo ay habboon tahay inaan u fariisanno, si ay nooga caawiyaan inaan si qoto dheer u fahanno muhiimadaha mudnaanta iyo waxqabadka habboon 🌱💭.
Dhagaysi wacan! 🎧

Thursday Nov 07, 2024
Thursday Nov 07, 2024
Bismilaah;
Sida xilli-roobaadka 🌧️, jiilaalka ❄️, iyo xagaaga 🌞, ayuu qofkuna wuxuu leeyahay xilliyo uu ku jiro heerar kala duwan oo nafeed. Maaddaama aan ku guda jiro "season-ka" barashada Ilaahay 🌿, qaybtan waxaan kula wadaagi doonaa saddex ka mid ah casharadii ugu qiimaha badnaa ee aan ka bartay bishii Oktoobar 🌌✨. Intaa waxaa sii dheer, waxaan ku faaqidi doonaa qiso MRI oo xiiso ii lahayd markii hore iyo markii danbe wixii nakala raacay 🖤.
Dhagaysi wacan! 🎧

Friday Nov 01, 2024
Friday Nov 01, 2024
Bismilaah;
Qaybta 7-aad ee podcast-keena, waxaan ku falanqeyn doonaa dib-u-eegista bishii tagtay 📅✨. Waxaan dhex mari doonnaa 9 su'aalood oo milicsiga bisha ah 🧐 iyo 3 su’aalood oo la xiriira qorshaynta bisha soo socota 📝. Bisha Oktoobar, ha moogaan inaad dib u milicsato dareenka iyo xaaladaha kuu gaarka ah, si aad u fahamto oo u kobciso naftaada. Su’aashu waa: ma lagama maarmaan baa in bil kasta hal mar la milicsado?
🎙️ Dhagaysi wacan!

Thursday Oct 24, 2024
Thursday Oct 24, 2024
Qaybta 6-aad waxaan kaga hadlaynaa "Haddii aan nala xasuusin, xasuusan mayno" 🤔💭. Qaybtan, waxaan falanqeyn doonaa labo sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan u qorno fikradaha iyo xusuusta 📚✍️. Sidoo kale, waxaan ku qaadaa dhigaynaa labo tusaale oo shaqsi ah oo na tusinaya in aan wax ilowno, balse Allah iloobin, iyo sida dhiirigalin ugu jirto waxa aan horay u qornay 🌟📝. Dhagaysi wacan! 🎧✨

Thursday Oct 17, 2024
Thursday Oct 17, 2024
Qaybtan 5-aad ee podcast-keena, waxaan kaga hadlaynaa muhiimada qoraalka fikirrada subaxnimo (Morning thoughts) 🌅📝. Sidoo kale, waxaan dul istaagaynaa khasaaraha ka dhalan kara marka aan la qorin fikradahaas—mid dhaqaale 💸 iyo mid nafba leh 💔. Maxaa looga jeedaa "shabeelka" 🐆 aan iska ilaalinayno, iyo "faraska" 🐎 aan daajinayno? Jawaabahaas iyo kuwo kale oo badan ayaad ka heli doontaa qaybtan.
Dhagaysi wacan! 🎧✨

Friday Oct 11, 2024
Friday Oct 11, 2024
Qaybtan 1.aad ee 'Ila Qor' waxaan uga hadleynaa waxa aan qorayno, halka aan ku qorayno, iyo sababta muhiimka ah ee ka dambeysa ku qorida Futureme. 🤔 Waa safar lagu ogaanayo sida xusuusta iyo qoraalku isugu xidhan yihiin, oo aan dib ugu milicsaneyno waxa nolosha mid xasuus mudan ka dhigaya. 🤔
Dhagaysi wacan!😊