Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa: Sida loo abuuro caado qoraal 📓 Meesha iyo waxa aad qorayso 📍🖋️ Sida ugu habboon ee loo qoro 📝 Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikrado ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan 💡, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha 🚀🏆. Soo dhawaaw! 👋🎧
Episodes

13 hours ago
13 hours ago
Bismilaah;
Qaybtan cusub ee podcast-ka, waxaan milicsanayaa 90-kii maalmood ee labaad ee sannadka 2025. Wixii aan ku guuleystay, meelaha aan ku liitay, iyo halkii aan ka qaldamay. Waxaa intaas dheer, waxaan dib u eegayaa sida stress-ku uu uga yimaado waxyaabaha aan dayacno, iyo sababta ay muhiim u tahay in aan mar walba dib isu toosinno, jihadeenna saxno, kuna talaabsanno koboc.
🎯 Marka adiga, sidee bay kuu dhaafeen 90-kii maalmood ee lasoo dhaafay? Maxaad ka baratay, maxaadse diyaar u tahay inaad ku hagaajiso 90-ka xiga?

Thursday Jun 26, 2025
Thursday Jun 26, 2025
Bismilaah;
⚠️📢Shanqadh ayaa ka yeeraysa qaybo ka mid ah xalqadan🔊 Waad ku mahadsantahay samirkaaga iyo sida aad mar kasta ii dhagaysato ❤️.
Qaybtan 📖 waxaan ku eegaynaa sida xusuustu 🧠 ay daciif u tahay, una libdho 🫥, iyo muhiimadda ay leedahay in la qoro ✍️ si aan dib ugu laabanno waqtiyadaas 🕰️. 📸✨

Thursday Jun 19, 2025
Thursday Jun 19, 2025
Bismilaah;
🌿 Dabeecadda oo dhan way socotaa ☀️🌙🌬️☁️ Maalinta, habeenka, cirka, dabaysha. Inaguna sideen u dhaqaaqnaa jir ahaan 💪, dareen ahaan 💭, iyo ruux ahaanba 🕊️?
🎧 Qaybtan waxaan ku eegaynaa muhiimada dhaqaaqa si aan u helno caddayn nolosheenna ah.
Dhagaysi wacan! 🎙️✨

Thursday Jun 12, 2025
Thursday Jun 12, 2025
Bismilaah;
Roobku waa raxmad ☔️, waa xasuus 💭, waa bilow cusub 🌱. Qaybtan cusub ee 🎙️ podcast-ka, waxaan ka hadlaynaa sida roobku inoo xasuusin karo imaan 🕌, rajo iyo nafis.
Mararka qaar qalbigeennu wuxuu noqdaa sida dhul qallalan oo kale 😔 laakiin roobka raxmadda Ilaahay 🤲🏽 ayaa soo da’a, qalbigana dib ayuu u noolaadaa 💚.
Dhageyso ➡️ Ka fakir ➡️ Na La wadaag, adigoo isweydiinaya:"Roobku muxuu i xasuusinayaa?" 🌧️💬

Friday May 30, 2025
Friday May 30, 2025
Bismilaah;
Ma ogtahay in barashada hal xirfad cusub ay u shaqeyso maskaxdaada sida jimicsi ugu yahay jirkaaga? 🏋️♂️ Soo ogow faa'iidooyinka qarsoon ee lagu furfuro maskaxda—iyo sababta ay muhiim u tahay in mar walba aad is tijaabiso 🔍

Thursday May 22, 2025
Thursday May 22, 2025
Bismilaah;
Xagee ayaad maanta joogtaa?Mararka qaar, waxaan u ekaan karnaa kuwo deggan ama xasilloon , laakiin gudaha waxaa ka socda dadaal, korriin iyo isku day. Qeybtan waxaan uga sheekeynayaa mallard-ka, geedaha, iyo buugaagtii aan akhriyey, iyo sida ay noo tusinayaan in dadaalka qarsoon uu ugu dambeyn keeno midho. 🎧🌱🦆
Dhageyso si aad u xasuusato, in dhaqaaq kastaa uu qiimo leeyahay — xitaa kan aan la arkin.

Thursday May 15, 2025
Thursday May 15, 2025
Bismilaah;
Haddii aad dareentay daal, hoos u dhac, ama waqti aan xasilloonayn, waa caadi. Dib u soo kabashadaadu waa qeyb ka mid ah safarka. Waa astaanta ubax cusub oo soo bixi doona.
Xilli walba wuxuu leeyahay saameyn, geed walbana wuu xasuustaa qabowgii uu ka soo gudbay. Qeybtan, waxaan ka hadlaynaa sida dabeecaddu noogu noqoto muraayad. Haddii geedaha ay markale ubaxaan (Caleemo yeeshan) adiguna waad awooddaa.✨ Dhageyso si aad u hesho xasuusin qalbigaaga taabanaysa. 🌱🕊️

Thursday May 08, 2025
Thursday May 08, 2025
Bismilaah;
Ku soo dhawaaw kalfadhigan saddexaad,
kaas oo kaliya naga codsanayaa hal shay:
in aan is-joojino 🌿, eegno 👀, oo aan dareenno 🤲🏽.
Waayo markaad aamusto 🤫, waxaad maqashaa codad kale, biyo dhaqaaqaya 💧, dabeyl 💨, iyo qalbigaaga ♥️.
Qeybtan, waxaan bilaabaynaa safar cusub 🚶🏽♀️🛤️ oo ku saabsan fahamka 🧠, fiirsashada 🌸, iyo koboca gudaha 🌱

Thursday May 01, 2025
Thursday May 01, 2025
Bismilaah;
Xilli cusub oo degganaan iyo ubax ah ayaa bilowday. 🌸
- Marka nafta waan xaadiri doonaa, waan u fiirsan doona 🌿
- Sheekooyin ka imanaya Abuurka Alle sida, ubax, geedaha iyo xayawaanada, iyo qoraal kaa caawinaya inaad is fahamto. ✍️Ku soo dhawoow Season-ka 3aad.✨

Friday Apr 25, 2025
Friday Apr 25, 2025
Bismilaah;
Qeybtan dib u eegista ah waxaan ka soo xulnay dhawr cashar oo Season 2 ka mid ahaa, kuwaas oo si qoto dheer u taabtay:
🧠 Maskaxda & rumaynta nafta
✨ Awoodda lagu gaaro yoolal (Dua Board)
🌟 Quruxda ku jirta inaad adigu ahaato (Duwanaashadaadu waa awood)
⚡ Iyo sababta aan uga baqno ficilka
Haddii aad rabto inaad dib u eegto safarka fikirka & koritaanka , hadaba tani waa qaybtaada.